Wasaaradda Waxbarashada KG Oo Buugaagta Manhajka Dalka gaarsiisay Degmada Baraawe

0
484

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wareejinta Buugaagta Manhajka Iskuulada Ku yaala Degmada Baraawe ayaa waxaa si wada jir ah u geeyeen Gudoomiyaha Barlamaanka KG Iyo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada KG Iyo Masuuliyiin Kale.

Buugaagta Manhajka La geeyay ayaa waxa ay isugu jiraan Dugsi Hoose,Dhexe iyo Sare,Waxaana Looga tala galay in la gaarsiiyo Ardeyda Danyarta ah si Bilaash ah,Maadaama ay jiraan Ardey badan aysan awoodin in ay Iibsadaan Buugaagta ay wax ku baran lahaayeen.

Warkan waxaa inoo haya Abdikadir Mohamed Nor Warcade