Tirada Kiisaska COVID-19 dalka Isbeyn oo kor u dhaaftay hal milyan oo kiis

0
236

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Isbeyn ayaa diiwaan gelisay in ka badan 1 milyan oo kiis oo COVID-19 ah, waana dalkii ugu horreeyay ee dhaca galbeedka Yurub ee gaara tiradaas.

24-kii saac ee aan soo dhaafnay waxaa dalkaasi laga diiwan geliyay 16,973 iyo sidoo kale 156 dhimasho ah.

Laga soo billaabo tan iyo markii ay Isbeyn diiwan gelisay kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19 oo aheyd bishii Jannaayo 31-keeda ilaa maanta kiisaska dalkaas ayaa sii cagacageynaya 1,005,295 kiis.

Tiradaan Isbeyn waxa ay ka dhigtay dalka 6-aad ee caalamka, kaas oo ka gudbay 1 milyan oo kiis, horay waxaa 1 milyan kor u dhaafay Mareykanka , Baraasiil, Hindiya, Ruushka iyo Arjantiin.

Waddamada Yurub waxaa ku soo laabtay feyraska taasi oo waddamada ku qasbeysa in ay mar kale soo rogaan xannibaado lagu xakameynayo heerka faafitaanka cudurkan dilaaga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here