Hay’adda FOA oo ka digtay fatahaad hor leh oo uu sameeyo Webiga Shabeelle

0
222

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka gargaarka ee OCHA waxaa afartii bilood ee la soo dhaafay fatahaadaha dalka ka dhacay ku barakacay dad gaaraya 341,884 oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya.

Warbixinta OCHA ayaa sheegeysa in gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee Shabeellada Hoose iyo Dhexe ay ugu horreeyaan goobaha saameynta ugu weyn ay ku yeesheen fatahaadaha webiyada.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Gobolka Shabellaha Hoose ay ku barakaceen 180,133 oo qof, Sidoo kale Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku barakacay dad gaaraya 131,422 iyada oo gobolka Hiiraanna ay ku barakaceen dad gaaraya 28,000 oo qof.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha ee FAO ayaa ka digtay fatahaad horleh oo uu sameeyo webiga Shabeelle iyada oo sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5M.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here