Bernd Leno Oo Digniin U Diray Man City

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Goolhayaha Koxoda Arsenal ee Bernd Leno ayaa sheegay in ay Arsenal soo yaraysay farqigii ay ka dambaysay kooxda Man City inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen Sabtidii.

City ayaa guul gaadhay kulankii ka dhacay Etihad taas oo la macno ah in ay guulaystay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Arsenal.

Laakiin Leno ayaa rumaysan in ay Arsenal qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay kulankii Man City inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen.

“Marka dhinac loo eego waan niyad jabsanahay laakiin dhanka kale waxa aan u ciyaarnay si fiican”.

“Waxa aan si fiican isaga celinayman City ilaa dhamaadkii ciyaarta waxana aad arkaysaa in aan soo yaraynay farqigii aan ka dambaynay mAN City, marka aad is bar-bar dhigto kulankii ugu horeeyay kadib bandoogii ee ay 3/0 nooga badisay iyo kulankii sabtida waa kuwo aad u kala duwan”.

“Waxa aan ku jirnaa wadada saxda ah, Guuldaro ayaan la kulanay kulanka laakiin todobaadka dambe waan badin doonaa waxana aan ku kalsoonahay qaab ciyaareedkeena”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here