Qaramada Midoobay oo taageereysa dadkii ay saameeyeen Fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle

0
232

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in lacag gaareysa US$9.26 milyan oo dollar ay ku bixineyso caawinta ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka bani aadanimada ee Qaramada Midboobay ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa Gargaarka Bani Aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu helay ku dhowaad Toban Milyan oo dollar oo lagu talagalay in lagu caawiyo shacabka ay fatahaaduhu saameeyeen ee ku nool gobollanada Jubbada Hoose, Shabeelle Dhexe, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Xiriiriyaha arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa sheegay in dhaqaalahan shacabka Soomaaliyeed loo sii marsiin doona Haya’adaha Maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.

“Deeqdan oo ka timid Sanduuqa Qaramada Midoobay waxay hey’adaha gargaarka awood u siin doontaa in ay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka sida daran u saameysay fatahaadaha ka dhacay dalka,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Wax ka badan Sideed Milyan oo dollar oo kamid ah deeqdaan ayaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here