Saxiixyadii Ugu Xumaa Ee Suuqii Xagaaga Premier League Oo Loo Codeeyay

0
224

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Saxiixyada ay Man United samaysay ee Edinson Cavani & Donny van de Beek ayaa loo codeeyay in ay yihiin saxiixyadii ugu xumaa ee ay sameeyeen kooxaha premier League xagaagan sida laga soo xigtay wakiilada.

Red Devils ayaa la soo saxiixatay xiddiga Edinson Cavani kaas oo ay si xor ah ugula soo wareegtay halka ay xiddiga khadka dhexe ee  Donny van de Beek kula soo saxiixatay 40 milyan oo euro.

Laakiin wakiilada kubada cagta ayaa isku raacsan in ayna Man United u baahnayn labada xiddig ee ay la soo saxiixatay.

Ku biiristii Cavani ee Man United ayaa helay cod dhan 28% iyaga oo loo doortay saxiixa ugu xun ee premier League suuqii xagaaga.

Ku biirista Van de Beek ayaa galay kaalinta 2-aad isaga oo helay cod dhan 11% halka saxiixii ay Man City la soo saxiixatay Ake uu galay kaalinta 3-aad isaga oo la cod ah saxiixyada ugu qaalisan Arsenal iyo Chelsea ee Thomas Partey iyo Kai Havertz.

Hadaba sawirkan hoose kaga bogo sida ay wakiiladu ugu codeeyeen saxiixyadii ugu xumaa ee ay sameeyeen premier League.

Football agents have not backed United's decision to sign Edinson Cavani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here