Kooxda Manchester United oo shaacisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Alex Telles

0
799

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Alex Telles, kaddib markii uu ku soo biiray suuqii dhowaan la soo gabagabeeyey.

Man United ayaa xagaagan la soo wareegtay Donny van de Beek, iyagoo saacadihii ugu dambeeyeyna ku soo daray Edinson Cavani, Alex Telles, Facundo Pellistri iyo Amad Diallo.

Weearyahankii hore ee PSG, Edinson Cavani ayaa loo dhiibay oo Man United u xiran doona maaliyadda lambarka 7-aad, lambarkaasoo ay hore u soo xirteen, xiddigihii hore u soo maray kooxda sida Cristiano Ronaldo, David Beckham, Eric Cantona iyo George Best.

Daafaca bidix ee reer Brazil Telles oo ay Man United kula soo wareegtay heshiis 15.4 milyan oo gini ah oo uu uga soo dhaqaaqay FC Porto ayaa la siiyay maaliyadda lambarka 27-aad.

Waxaa maaliyaddaan hore u soo xirtay Federico Macheda, Mikael Silvestre iyo Gary Neville, iyadoo laacibkii ugu dambeeyey ee qaatana uu ahaa Marouane Fellaini.