Arsenal oo dhammaystirtay saxiixa xiddigii Atletico Madrid ee Thomas Partey

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u dhammaystirtay saxiixa laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey, kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda Atletico Madrid, kaddib markii ay bixiyeen lacagtii lagu jabin karay qandaraaska xiddigan.

Waxa ay go’aansatay in Gunners ay miiska saarto 50 milyan oo euro oo ah lacagta lagu burburinayey qandaraaska uu Thomas Partey uu ku joogay kooxda reer Spain.

Gunners ayaa lacagta 50-ka milyan oo euro ah oo lagu jabin karay xiddiga reer Ghana u gudbisay maamulka La Liga, waxayna markiiba La Liga ku wargaliyeen Atletico Madrid in miiska la soo saaray lacagta lagu jabinayey qadnaraaska Partey, laakiin kooxda reer Spain ayaa arrintaas ka carootay oo sheegtay inaysan wax wargelin ah ka helin Arsenal iyo ciyaaryahanka labadaba.

Madaama ay Arsenal burburisay qandaraaskii Thomas Partey qasab kuma aheyn inay la xiriirto Atletico Madrid laakiin kooxda reer Spain ayaa ka carootay inaan la sharfin oo lagu wargelinin in Arsenal ay damacsan tahay inay la wareegto laacibkan.

“Arsenal waxay xarunta La Liga ku bixisay lacagta lagu burburin karo qandaraaska Thomas Partey, ciyaaryahanka wuxuu gabi ahaanba burburiyay qandaraaskii uu kula jiray kooxdeenna” ayuu u dhignaa qoraal kooban oo ay Atletico Madrid ku soo daabacday barteeda Twitter-ka.

Yeelkeede, waxa uu Thomas Partey tijaabada caafimaad u maray Arsenal, isagoo qalinka ugu duugay qandaraas afar sanadood ah, kaasoo uu ku qaadanayo 260 kun oo gini.

Waxaana uu Gunners u qaadan doonaa lambarkan 18-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here