Kooxda Aston Villa oo goolal ku rusheysay Liverpool oo marti u ahayd kulan 9 gool la iska dhaliyey

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Aston Villa ayaa guul ay u qalantay kaga qaadatay kooxda Liverpool garoonkeeda Villa Park, kaddib markii ay kaga adkaatay 7-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Aston Villa.

Daqiiqadii 4-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Ollie Watkins, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jack Grealish.

23 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd Aston Villa ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Ollie Watkins, iyadoo uu markale goolkan caawiyay Jack Grealish.

Laakiin daqiiqadii 33-aad kooxda Liverpool ayaa dhalisay waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Mohamed Salah.

35 daqiiqo John McGinn ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Aston Villa.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Aston Villa ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, kaddib markii uu Ollie Watkins dhaliyay goolkiisii saddexaad ee dheesha, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Ross Barkley ayaa ciyaarta ka dhigay 5-1 ay ku hoggaamineysay naadiga martida loo ahaa ee Aston Villa, waxaana markii saddexaad goolkan caawiyay Jack Grealish.

Daqiiqadii 60-aad Liverpool ayaa dhalisay gool, kaddib markii uu Mohamed Salah dheesha ka dhigay 5-2, waxaana goolkan ka caawiyay Roberto Firmino.

Laakiin daqiiqadii 66-aad Jack Grealish ayaa ciyaarta ka dhigay 6-2 ay ku hor ka ceyso kooxda Aston Villa. Kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Ollie Watkins.

75 daqiiqo Jack Grealish ayaa ciyaarta ka dhigay 7-2 ay ku hor ka ceyso kooxda Aston Villa. Xilli caawinta goolkan uu lahaa John McGinn.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 7-2 ay kaga adkaatay Aston Villa kooxda Liverpool oo ay marti ugu noqotay garoonka Villa Park, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahay kulamada Isbuuca afaraad ee horyaalka  Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here