Inter Milan oo dhammaystirtay saxiixa xiddigii hore ee Man United, Matteo Darmian

0
371

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa dhammaystirtay saxiixa xiddigii hore ee naadiga Manchester United, Matteo Darmian.

Inter Milan ayaa Matteo Darmian kula soo saxiixatay heshiis amaah ah oo ay uga soo qaateen Parma.

Kooxda horyaalka Serie A ee Inter ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa daaficii hore ee Torino, kaasoo kaga soo dhaqaaqay dhinaca naadiga the Gialloblu.

Nerazzurri iyo maamulka horyaalka Serie A ayaa diiwaan geliyey heshiiska amaahda ah ee xiddigani uu uga soo dhaqaaqay Kooxda Parma.

Darmian, kaasoo dib ugu soo laabtay Talyaaniga kaddib afar sanadood oo uu ku soo qaatay Kooxda Manchester United iyo horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah macallinkiisii hore ee xulka Talyaaniga ee Antonio Conte kula midoobay garoonka San Siro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here