Man City Oo Dhameystirtay Saxiixa Daafac Adag Oo Ay 62 Milyan Ku Soo Iibsadeen

0
59

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca reer Portugal, Ruben Dias oo ay 62 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Benfica.

23 jirkaan daafaca dhexe ayaa u saxiixay kooxda Manchester City heshiis lix sannadood ah isagoo kooxda ku negaanaya ilaa iyo xagaaga 2026.

Ruben Dias ayaa noqonaya saxiixii seddexaad ee tababare Pep Guardiola uu sameeyo xagaagan ka dib Ferran Torres iyo daafaca kale Nathan Ake.

Dias ayaa in ka badan 100 kulan u saftay kooxdas Benfica mudadii seddexda xilli ciyaareed ee uu joogay.

Wuxuu kooxda ka dhisan magaalada Lisbon la qaaday koobka horyaalka Portugal xilli ciyaareedkii 2018-19, isagoo 19 jeer u dheelay xulka qaranka Portugal.

Xiddigaan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah daafacyada ugu adag Yurub, isagoo sheegay in go’aankii uu ugu biiray Man City uu ahaa mid sahlan madaama uu dareemayo in Man City ay tahay koox uu horumar ku sameyn karo.

“Inaan helo fursad ah inaan ku biiro koox sida Manchester City ah waxay ii tahay fursad fantastik ah, mana diidi karin” ayuu yiri.

“Guulaha ay gaareen ayaa u hadlaya. Waxay ahaayeen koox heysatay England sannadihii ugu danbeeyay iyagoo ciyaara kibad weerar ah oo ku haboon ciyaarteyda.”

Daafaca reer Argentina ee Man City Nicolas Otamendi ayaa qeyb ka ah heshiiska uu Ruben Dias ku yimid Man City iyadoo Otamendi uu ku biiray kooxda reer Portugal ee Benfica.

Ruben Dias ayaa u xiran doona kooxda Manchester City maaliyada No.3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here