Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Willian & Faah-Faahinta Heshiiska Ay U Soo Bandhigeen.

0
362

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis 3 sano ah u soo bandhigeen xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian xilli ay isku dayayaan in ay xiddiga si xor ah kula soo saxiixdaan xagaagan.

Heshiiska Xiddiga reer Brazil Stamford Bridge ayaa dhici doona bisha August sida ay haatan waxyihiina waxa uu si xor ah uga tagi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxo dhowr ah ayaa lala xiriiriyay 31 jirka, kaasoo la rajeynayo inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaro mustaqbalkiisa ka dib finalka FA Cup ee Sabtida ay la ciyaarayaan Arsenal.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Chelsea ayaa u soo bandhigtay weeraryahanka heshiis cusub, laakiin Barca ayaa miiska soo saartay heshiis 3 sano ah si ay u helaan saxiixiisa xagaaga.

Willian ayaa dhaliyay 11 gool iyo 9 caawin 47 kulan oo uu xilli ciyaareedka u ciyaaray kooxda Chelea tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here