Alexandre Lacazette Oo Hogaaminaya 6 Xiddig Oo Ay Arsenal Xaraashayso Suuqa Xagaagan

0
321

Kooxda Arsenal ayaa isku shaandhayn xoogan lagu samayn karaa suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo laga yaabo in ay ugu yaraan 6 xiddig ka caraabaan Emirates suuqa xagaaga.

Waxa sidaas sheegay saxafiga The Athletic ee David Ornstein kaas oo sheegay in uu Mikel Arteta diyaar u yahay in uu iska iibiyo ugu yaraan kala badh xiddigaha kooxdiisa inta lagu jiro suuqa xagaaga.

3-da daafaca ee Rob Holding, Sokratis Papastathopoulos, Shkodran Mustafi xiddigaha khadka dhexe ee Matteo Guendouzi, Lucas Torreira iyo weeraryahanka Alexandre Lacazette ayaa laga yaabaa in ay kooxda isaga tagaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xiddiga da’yarka ah ee Reiss Nelson ay kooxdu iibin doonto hadii uu qiimo sax ah u yimaado inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

“Dabcan xaalada dhaqaale ee kooxda Arsenal waxa aan u saameeyay booska ay xilli ciyaareedka kaga dhamaystay”ayuu Ornstein yidhi.

“Waxa aynu ogayn in ayna sanadka dambe ka ciyaari doonin champions League laakiin wali waxa ay u soo bixi karaan Europa League hadii ay ku guulaystaan FA Cup-ka”

“Waxa ay arintaas ka caawin doontaa in ay helaan lacag yar oo ka caawin karta suuqa sidoo kale axa jirta fursad fiican oo ay xiddigo fiican ku soo jiidan karaan hadii ay kooxdu yurub ka ciyaarayso”

“Hadii aan ka hadlno dhanka suuqa laakiin waxa ay doonayaan in ay iska iibiyaan xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Rob Holding, Sokratis, Shkodran Mustafi”.

“Sidoo kale waxa ay doonyaan in ay iska iibiyaan xiddiga Matteo Guendouzi sidoo kale xiddiga Lucas Torreira”.

“Mikel Arteta sidoo kale waxa lagu qancin karaa in uu iibiyo xiddiga da’yarka ah ee Reiss Nelson hadii uu dalab fiican u yimaado”.

“Sidoo kale waxa aan ognahay in uu Alexandre Lacazette Haatanba xiiso ka haysto kooxo waaweyn oo yurub ah waxana laga yaabaa in ay Arsenal ogolaato hadii uu dalab fician u yimaado”.