Dowladda Kenya oo qaadday qaar kamid ah xayiraadihii ay ku soo rogtay Covid19 awgiis

0
242

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Uhuru Kenyatta ayaa xayiraadii ka qaadday dhaqdhaqaaqa saddexda magaalo ee kala ah Nairobi, Mombasa iyo Mandheera iyada oo la raacayo tilmaamaha cusub ee ku saabsan xakameynta coronavirus.

Qaaddista xayiraadda oo dhaqangelaysa 4-ta subaxnimo ee talaadada berito ah ayaa u oggolaanaysa dadka reer Kenya socdaal ay ku maraan gobollada iyada oo ay dawladdu kormeerayso xaaladda COVID-19 21-ka maalmood ee soo socda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay dhammaan duullimaadyada caalamiga ahi ay dib u bilaaban doonaan laga bilaabo 1da Ogosto, halka kuwa maxalligana ay bilaabanayaan 15ka Luulyo.
Madaxweynaha Kenya wuxuu kula taliyay dadka reer Kenya in ay dib u dhigaan isu socodka safarka ee aan loo baahnayn, balse ay sameeyaan jimicsi looga hortago faafitaanka fayraska gaar ahaan dadka waayeelka ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib afar bilood oo lagu jiray xannib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here