Ciyaaryahan Ku guuleystay World Cup oo ka tageya Koxda Chelsea

0
420

Baydhabo(Radio Arlaadi)-N’Golo Kante ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiisayneynin inuu ka tago Kooxda Chelsea inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, inkastoo warbixinnadu ay soo jeedinayeen in labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ay doonayaan inay la soo wareegaan isaga.

29-sano jirkaan ayaa waxaa lagu xadiday 18 kulan oo Premier League ah oo uu saftay xilli ciyaareedkan maadaama uu dhaawac qabay, laakiin wali waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu fiican kubadda cagta adduunka.

Labada kooxood ee reer Spain, Barcelona iyo Real Madrid ayaa la sheegayaa inay xiiseynayaan xiddiga reer France oo ay rabaan inay gacanta ku dhigaan ka hor xilli ciyaareedka 2020-21.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Le 10 Sport, Kante ma damacsana inuu ka tago garoonka Stamford Bridge xagaagan, halka Chelsea ay muujisay inaysan dhegaysanaynin dalabyada u imaanaya.

Ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 2018 waxa uu Kooxda Leicester City ka caawiyay inay ku guuleysato Koobkii Horyaalka Premier League ee 2015-16 ka hor inta uusan ku biirin Chelsea, halkaas oo uu sidoo kale ku qaaday horyaalnimada Ingiriiska xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Laacibkan khadka dhexe ayaa heshiiskiisa haatan uu ku joogo garoonka Stamford Bridge waxa uu soconayaa ilaa xagaaga 2023-ka.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here