QM oo ka digtay in kumannaan Afrikaan ah ay u geeriyoodaan feyraska Korona

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Guddiga dhaqaalaha Afrika ee hoostaga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay geeriyoodaan dad ay tiradoodu u dhexeyso 3,000 ilaa 3.3 milyan oo dad Afrikaan ah haddii ay dowladuhu qaadi waayaan tallaabooyin ay ku xakamaynayaan feyraska Korona.

Hadalkan ayay guddigu ku sheegeen warbixin ay ka diyaariyeen saamaynta feyraska Korona uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Warbixinta ayaa tilmaantay in 56% dadka Afrikaanka ah ee deggan magaalooyinka waaweyn in ay ku noolyiin deegaanno isku raran ah oo aad u cariiri badan taasoo ay u sii dheertahay in aysan heysanin asaasiyaatka nolosha.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 34% kaliya dadka Afrikaanka ah ay deggenyihiin guryo leh meelaha lagu faraxasho.
Waxaa kale oo ay warbixintani daaha ka rogtay in xukuumadaha Afrika ay u baahanyihiin ku dhawaad 100 bilyan oo dollar oo ay ku daboolaan baahiyaha asaasiga u ah waaxaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada.
Feyraska Korona ayay warbixintu sheegtay in ay suuragal tahay in uu sabab u noqdo dhaqaale burbur ku dhaca dhaqaalaha Afrika sanadkan kaasoo lagu qiyaasay 3.1% .

71% xoogsatada Afrika ayey warbixintu sheegtay in aanay ku shaqayn Karin guryahooda taas oo saboolnimo darn u horseedi karta in ka badan 27 milyan oo qof.

Tira-koobyadii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tirada dadka qaba feyraska Korona ee qaaradda Afrika ay gaareyso 18,000 oo qof halka 962 kalena ay u geeriyoodeen.

Tan iyo galinkii dambe ee jimcaha tirada dadka qaba feyraska Korona ee ku nool dunida ayaa gaartay in ka badan 2 milyan oo ruux halka ay u geeriyoodeen 147,000 oo kale waxaana la soo warinayaa in dad ka badan 555,000 oo qof ay ka fiyoobaadeen xanuunka.