Lautaro Martinez oo Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City ka dhex doortay Kooxdii uu ku biiri lahaa

0
305

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sida wararku ay sheegayaan Weeraryahanka naadiga Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City ka dhex doortay kooxdii uu ku biiri lahaa.

Dhaliyahan Lautaro Martinez ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Barcelona, taasoo doonaysa inay xilli ciyaareedka soo aaddan la soo wareegto Lautaro, halka Neymar oo weli yahay magac kale oo la la xiriirinayo garoonka Camp Nou, iyadoo Barca ay rabto inay saxiixa xiddiga reer Brazil heshiis kala gaarto Naadiga Paris Saint-Germain.

Arrinta go’aaminaysa heshiiska laacibkan ee kooxda reer Spain ayaa ah rabitaanka ciyaaryahan Lautaro oo doonaya inuu aado garoonka Camp Nou, ugu yaraan taasi waa wax uu u sheegay Barcelona, sida ay daabacday jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain.

Lautaro Martinez 'to spark a war' between Barcelona and Real ...

Kooxaha kale sida Real Madrid iyo Manchester City ayaa sidoo kale lahaa qorshaha ciyaaryahanka, laakiin hadda ujeeddooyinkooda waa ka duwan yihiin sidii hore, Los Blancos waxa ay eeganaysaa Erling Haaland, iyadoo kuwa kale Sky Blue ay ku faraxsan yihiin inay isku haystaan Kun Aguero iyo Gabriel Jesus.

Dhanka Barcelona, saxiixa Lautaro ayaa ah mudnaanta koowaad, iyadoo safka weerarka uu si deg deg ah ugu baahan yahay xoojin, marka lagu daro Luis Suarez oo 34-sano jir noqonaya bisha Janaayo, waxaana Barca ay u baahan tahay dhaxal gaar ah oo dhanka weerarka ah, marka loo eego dhibaatooyinka dhaawaca xiddigan reer Uruguay labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here