Goormee ayay Kooxaha English Premier League bilaabi doonaan tababarka, xilligee ayaase dib loo ciyaari karaa?

0
281
EDITORIAL USE ONLY No use with unauthorised audio, video, data, fixture lists (outside the EU), club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 45 images (+15 in extra time). No use to emulate moving images. No use in betting, games or single club/league/player publications/services. Mandatory Credit: Photo by James Heaton/ProSports/Shutterstock (10576496k) The Premier League match day football before the Premier League match between Sheffield United and Norwich City at Bramall Lane, Sheffield Sheffield United v Norwich City, Premier League - 07 Mar 2020

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dunida oo dhan ayaa la dhibaatooneysa xanuunka coronavirus, waxaana si loola dagaallamo darteed u joogsaday dhaqdhaqaayo kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah, kubadda cagtuna qayb ayay ka tahay.

Guud ahaan kubadda cagta rasmiga ah ee Ingiriiska ayaa hakad ku jirtay, waxaana hadda la rajeynayaa in dib loo bilaabo 8-da bisha June.

Kulan ay shalay isugu imaadeen maamulka Premier League ayaa lagu baahiyay in horyaalka la dhammeystiri doono xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Majaladda Mirror Football ayaa daaha ka rogtay in bisha June horraanteeda dib loo ciyaari doono horyaalka Ingiriiska.

Kooxaha horyaalka ka ciyaara ayaa lagu wargaliyay inay tababarka bilaabaan 18-ka bisha May, inkastoo go’aanka dowladduna uu saameyn ku yeelan karo.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here