Real Madrid oo si xoogan kula dagaalameysa kooxda Barcelona xiddig ka ciyaara horyaalka Talyaaniga

0
258

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay sameyso dalab soo jiidasho leh, oo ay dooneyso inay ku soo qaadato xiddiga kooxda Napoli ee Fabián Ruiz, suuqa xagaaga ee soo socda.

Los Blancos ayaa isku dayeysa inay la soo saxiixato Fabián Ruiz suuqa xagaaga ee soo socda, laakiin Napoli ayaa diiday inay fasaxdo laacibkeedan.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu cadeeyay fikrada ay Real Madrid isugu dayeyso inay kula soo saxiixato  Fabián Ruiz suuqa xagaaga, isla markaana ay diyaar u tahay inay ka gudbiso dalab weyn.

Heshiiska Fabián Ruiz ee kooxda Napoli ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, iyadoo uusan qeyb ka aheyn shuruuda ah qiimo lagu burburin karo qandaraaskiisa, laakiin Napoli ayaa dalbatay adduun dhan 100 milyan euro.

Los Blancos ayaa ogolaatay in xiddiga kooxda Napoli ee Fabián Ruiz ay markale wada hadal la furato xagaaga soo socda ama kiisa xiga, sida uu daabacay wargeyska reer Spain.

Yeelkeede, Real Madrid ayaa ka warqabta in gacanta sare ay ku yeelan karto heshiiska Fabián Ruiz, inkastoo ay Barcelona bilihii ugu dambeeyay ay waday isku dayo ay kula soo saxiixaneyso xiddigan, maadaama uu sidaas doonayo tababare Quique Setién, laakiin laacibka ayaa lagu soo waramayaa inuu sugayo in Real Madrid ay markale talaabo u soo qaado dhankiisa.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here