Iiraan oo soo saartay qalab meel dheer ka ogaan karo feyraska Corona.

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Taliyaha ciidammada Ilaalada Kacaanka islaamiga ah ee Iiran ayaa soo bandhigay qalab gacanta lagu qabto oo uu sheegay,in lagu ogaan karo dadka qaba Coronavirus.

Qalabkan wuxuu ogaan karaa dadka qaba cudurka oo ku sugan meel gaadhaysa 100m (330ft), Sida ay tebisay wakaalada wararka ee Tasnim.

Wuxuu intaas ku daray in saxnimadiisu tahay boqolkiiba “80%”, laakiin ma bixin wax caddeyn ah.

Khubaradan ayaa sheegaya in habka kaliya ee lagu kalsoonaan karo ee lagu tijaabiyo Covid-19 xilligan waa qaadashada baadhis laga ogaado sanka ama cunaha, kaasoo loo diro sheybaadhka si loo eego astaamaha walxaha hiddo-sidaha feyraska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here