Imaaraadka Carabta oo gargaar caafimaad ku wareejiyay dowladda Soomaaliya

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq daawo ah iyo qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka karoona Feyris ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii maanta diyaarad sida daawadan ay ka degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Deeqdan gargaarka caafimaad ee lagu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa  27 Tan.

Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay Deeq Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus ku wareejisay Dowlad Goboleedka Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay deeqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here