Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo furtay tababar ku saabsan COVID-19

0
326

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa tababar ku saabsan wacyigelinta cudurka Korona Feyrus u furtay xubno ka socda deegaannada Maamulka Hirshabeele, cudurka Korona (COVID 19) oo dunida ku sii faafaya, islamarkaana ay xaqiijisay Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in laga helay gudaha dalka kiisas la xiriira cudurkaasi.

Xubnahaan ayaa muddada ay qaadanayaan tababarka waxaa loo diyaarinayaa sidii bulshada ay u fahamsiin lahaayeen khatarta COVID-19 iyo sida looga hortagi karo.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar (Baareey) ayaa ka codsaday ka qeyb galayaasha tababarka inay ka faa’iideystaan fursadaan oo ay ka qeyb qaataan wacyigelinta bulshada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa kula dar daarmay xubnaha ka qeyb galaya tababarkaan inay casharada ay si fiican u qaataan ayna xoojiyaan sidii ay bulshada u gaarsiin lahaayeen wacyigelinta looga hortagayo cudurka COVID-19.