Kooxda Liverpool oo la xiriirtay laacib bartilmaameed u ah Real Madrid iyo Manchester United

0
310

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xiriir la sameysay laacib bartilmaameed u ah Manchester United iyo naadiga Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Reds ayaa la xiriirtay Boubakary Soumare oo bartilmaameed u ah Man Utd iyo Los Blancos, waxaana kooxda reer England ay ku dalbanaysaa adduun dhan 35 milyan oo gini sida warbixinta lagu sheegay.

Liverpool ayaa kula tartamaysa Manchester United, Newcastle iyo Real Madrid saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lille Boubakary Soumare, sida laga soo xigtay Jariiradda Daily Star.

Magpies ayaa lagu soo warramayaa inay dalab 35 milyan gini ah oo u dhiganta 44 milyan oo dollar ka gudbisay 21-sano jirkaan bisha Janaayo, laakiin qiimahiisa haatan hoos ayuu u dhici karaa.

Boubakary Soumaré: 7 Things to Know About the Lille Star Linked ...

Kooxda Lille waxaa laga yaabaa inay u janjeersato inay iibiso laacibkaan, iyagoo u muuqda inay daboolayaan khasaaraha dhaqaale ee soo food saaray muddada lagu jiro karaantiilka faafaha Coronavirus.

Arlaadi Radio.