Wasaarada Caafimaadka KG oo Kulan Shaqa Xoojin ah la qaadatay Madaxda Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee Magaalada Baydhabo.

0
220

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Si ay u dardar galiso howlaha Caafimaad ee ay u baahan yihiin Shacabka ku nool Gobolada K/Galbeed Wasaarada Caafimaadka ayaa waxay kulan wadatashi ah ay la qaadatay Xarumaha Caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay ee ka Howgalaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka bay.

Kulankaan Wasaarada Caafimaadka ee K/ Galbeed la yeelatay Xaruumahaasi Caafimaad ayaa waxay kala hadashay in ay ka qeyb qataan wacyi-gelinta bulshada K/Galbeed gaar ahaan kuwa Magaalada Baydhabo Si loogu Hortago Faafitaanka Cudurka Covid19 oo si aad ah u saameeyey Aduunka.

Warkan Waxaa noo heysa Maryan Macalin Abshir