Xayiraadda Hindiya oo musiibo bina’aadannimo isu badeshay

0
368

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Markii aan telefoonka kula hadlay waxaa uu ku soo laabtay tuuladiisa oo ku taalla waqooyiga gobolka Rajasthan, isaga oo ka soo laabtay Gujarat, oo uu ka ahaa fundi.

Xilli ay qoraxda aad u kulushahay, Goutam Lal Meena ayaa waxaa uu ku lugeeyay laamiga isaga oo xiran kabo dacas ah.

Intii uu waddada ku jiray waxaa uu sii cunayay buskud iyo biyo uu watay.

Magaaalada Gujarat, Mr Meena maalinkii waxaa uu ku shaqayn jiray 400 rupees oo u dhiganta ($5.34) islamarkana lacagtan inteeda badan waxaa uu u diri jiray qoyskiisa.

Shaqooyiinkii uu hayay iyo gunnooyiinkii uu heli jiray ayaa meesha ka baxay ka dib markii ay xukuumadda Hindiya soo rogtay 21 maalmood oo xayiraad ah 24 bishii March si looga hortago feyriska Corona.

Xannibaadda lagu soo rogay gaadiidka ayaa ku qasabtay Mr Meena in uu lugeeyo.

kaligii kuma aha safarkan, guud ahaan dalka Hindiya ayuu ka socdaa, malaayiin ah dadka muhaajiriinta ayaa magalooyiinka ka qaxaya islamarkaana tuulooyiinkii ay markii hore ka yimaadeen.

Shaqaalahan aan rasmiga ahayn ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha magaalooyiinka waawayn, waxaana ayna shaqaalahan qabtaan shaqooyiinka dhismaha guriyaha, karinta cunnada, tima jaridda, iyo goobaha cillaan saarka.

Dadka waxay ka soo baxsadeen faqriga ka jira tuuloyiinkii ay ku noolaayeen islamarkana intooda badan dadkan oo tiradooda lagu qiyaasay 100 milyan waxay ku nool yihiin xaafado ciriiri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here