Heerka fiditaanka feyraska Korona ee dalka Spain oo hoos u dhacday

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Spain ayaa sheegtay in heerka fiditaanka ee feyraska Korona uu haatan u muuqdo mid sii yaraanaya.

Laamaha caafimaadka dalkaas ayaa Isniintii shalay ahayd diiwaan geliyay 6400 oo xaaladood, taas oo aad uga yar kiisaskii ay diiwaan gelinayeen tan iyo todobaadkii hore.

Hoos u dhaca tirada dadka uu soo ridanayo feyraska ayay dowladda dalkaasi ku macnaysay in ay ugu wacantahay bandowga dalka oo idil la saaray iyo xayiraadda dhaqdhaqaaq ee lagu soo rogay shaqaalaha todobaadkii u dambeeyay.

Warbixinnada caafimaadka Spain ayaa sheegay in hoos u dhaca xaaladaha feyraska uu yareyn doono walwalkii laga qabay xanuunka oo ahaa mid waayihii dambeeyay gaaray halkii ugu sarreysay.

Spain ayaa tan iyo 14-kii bishan laga hirgeliyay bandow dadweynaha u diidayay in ay ka baxaan hoygooda haddii aanay jirin xaalad khasbeysa arrinkaa.

Heerka dadka uu soo ridanayo xanuunka ee dalka Spain oo horay u ahayd 25% ayaa haatan mareysa 12%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here