Mid ka mid ah xiddigii hore ee Premier League oo Liverpool kula dooday inay heshiis cusub ka saxiixaan Virgil Van Dijk

0
306

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa lagu tilmaamaa difaaca ugu wanaagsan xilligan dunida kubadda cagta kaddib is beddel weyn oo uu ka sameeyay qaybta dambe ee naadiga Reds.

Mid ka mid ah xiddigihii hore u soo maray horyaalka Premier League ayaa kula dooday Liverpool inay heshiis waqti dheer ah ka saxiixaan Van Dijk, inkastoo xagaaga uu 29-sano jirsan doono, heshiiska uu hadda kooxda kula jirana uu dhacayo sanadka 2023-ka.

“Waxaan siin lahaa heshiis shan sano ah – oo lagu sii daro labo sano,” ayuu Paul Robinson u sheegay Football Insider.

Liverpool tipped to sign a five-year new deal with Van Dijk| All ...

Waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in difaaca reer Netherlands uu yahay mid awood badan jir ahaanna u xoog badan, isagoo ku tusaaleeyay laacibka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

“Saameynta uu ku leeyahay kooxda iyo ciyaartoyda kala tirsan naadiga, xitaa haddii uu jiro 35 sano, joogtana uusan u ciyaarin, waxaad heysataa qof ka dhex muuqda qolka labiska… Waxaad la barbar dhigi kartaa Vincent Kompany, marka aad eegto Manchester City waxaad arkeysaa saameynta uu ku leeyahay xitaa haddii uusan ciyaareyn – waxaad haysataa kabtan iyo hooggaamiye qolka labiska ka dhex muuqda” ayuu sidoo kale ku dooday Paul Robinson.

Waxaana goolhayihii hore ee England uu hadalkiisa ku soo xiray inuu Van Dijk ka saxiixi lahaa heshiis kan ugu macquulsan muddo ahaan.

Arlaadi Radio.