Chelsea oo dalab u gudbisay Real Madrid si ay kaga soo qaato mid ka mid ah daafacyada dunida ugu wanaagsan

0
241

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Chelsea ayaa dooneysa inay suuqa soo aaddan isku shaandheyn ku sameyso safkeeda difaaca, waxaana ay baadi goob ugu jiraan inay la soo saxiixdaan xiddigo cusub.

Blues ayaa dalab rasmi ah u gudbisay kooxda Real Madrid si ay kaga soo qaataan Achraf Hakimi.

Hakimi oo asal ahaan ka ciyaara difaaca midig, marna loo adeegsan karo difaaca bidix ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kulamadii uu u ciyaaray Borussia Dortmund ee uu amaahda ugu dheelo.

Majaladda The Mirror ayaa warinaysa in macallinka Chelsea ee Frank Lampard uu 21-sano jirkaan u arko dooq fiican uu ku xoojin karo difaaciisa.

Cesar Azpilicueta ayaa hadda kooxda ka dhisan galbeedka London uga ciyaara difaacyada midig iyo bidix, balse Hakimi waxa uu noqon karaa ay mid sanado badan mahdiso.

Chelsea ayaa ka gadoodsan bandhigga difaacyadeeda bidix ee Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri, taas ayaana saldhig u ah baadi goobka difaaca garbaha ka ciyaara.

Hakimi ayaa ka soo baxay kulyadda dhallinyarada ee Real Madrid, waxaana uu matalaa qaranka Morocco oo uu u saftay 28 kulan.

Chelsea 'make contact with Real Madrid over Hakimi'

Xiddiggan ayaa Los Blancos u saftay 17 kulan, waxaana uu qayb ka ahaa safkii Champions League-ga kula guuleystay xilli ciyaareedkii 2017-18.

Sanadkii 2018 ayuu heshiis amaah oo labo sano ah ugu biirray Dortmund, waxaana uu ka soo helay khibrad ciyaareed iyo kalsooni ku filan.

Hakimi ayaa heshiis kula jira Real Madrid, waxaana uu dhacayaa xagaaga 2022-ka.

Arlaadi Radio.