Muhiimada wax barashada ay u leedahay Haweenka Soomaaliyeed Iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Hormrinta Bulshada Doorkooda.

0
384

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Haweenka soomaaliyeed ayaa waxay qeyb ka qadanayaan siyaasada dalka taasi oo keentay in ay kazoo dhax muuqdaan xildhibaanada wasiirada iyo xafiisyada kala duwan ee dowlada.

Shirar badan iyo dodo ay ka qeyb qateen haweenka waxay heleen in ay 30 baarlamaanka ay ka helaan qoon dadooda, iyagoona weli ay u taagan yihiin sidii ay intaasi in badan ay u heli lahayeen si ay ula tartamaan raga ku jira siyaasada dalka.

Haweenka soomaaliyeed oo ay qeyb  kayihiin siyaasada dalka ayaa waxay keentay in haweenku ay xooga sareen ama ay fahmeen  muhiimada ay leedahay waxbarashada iyo in waxbarashada ay tahay qeyb ka mid ah fahanka siyaasada.

Naciimo muxidiin waxay maclimada ay ka tahay iskuulka hoose dhaxe sere ee dr cabdalla deerow oo ay dhigtaan gabdhaha waxay sheegtay in muhiim ay tahay in ay wax bartaan gabdhaha soomaaliyeed taasi oo ka dhalan karto in bulshada ay usameyso wacyi galin iyo fikirado kale oo ka maqan.

Warbixintan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera