Bayern Munich oo qorsheeneysa inay afduubato bar-tilmaameedka kooxda Chelsea

0
240

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Bayern Munich ayaa dooneysa inay iska xoojiso xarunteeda goolhayaha, waxayna dooneysaa inay soo qaadato goolhaayaha Barcelona ee Marc-André ter Stegen.

Dib u dhaca ku yimid qandaraas kordhinta goolhaaye Marc-André ter Stegen ee Barcelona ayaa wuxuu sababay in kooxo badan ay kor kala socdaan xaalada goolhaayaha reer Germany, gaar ahaan Bayern Munich, oo u aragta inuu yahay kan ku haboon ee badelka u noqon kara Manuel Neuer.

Barcelona ayaa dooneysa inay ceshato goolhayeheeda koowaad, kaasoo la dhihi karo inuu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan kooxda kaddib xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa tilmaamay in Bayern Munich ay xiiseyneyso adeega goolhayaha 27 jirka ah ee kooxda Barcelona Ter Stegen, kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga 2022.

Si kastaba ha noqotee, Bayern Munich ayaa waxay loolan adag kala kulmi doontaa kooxda Chelsea oo iyadana rajo wacan ka qabto la soo saxiixashada goolahayaha Barcelona ee Marc-Andre Ter Stegen, maadaama uu ka caga-jiidayo inuu qalinka dul dhigo heshiis cusub.

Arlaadi Radio.