Madaxweynaha La Liga oo ugu bishaareeyay taageerayaasha war farxad leh oo ku aadan dib u dhaca kulamada horyaalka

0
248

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa kalsooni ka muujiyey inuusan waqti dheer sii socon doonin hakinta horyaalka Spain.

Javier Tebas ayaa carabka ku adkeeyay in in muddadan aysan gaari doonin laba bilood, sida ku dhacday Shiinaha, oo ah dalka uu ku dhacay heerka ugu sarreeya ee dhimashada cudurka “Coronavirus” adduunka oo dhan.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan soo gabagabeynaynaa xilli ciyaareedka, waxaana ku shaqeyneynaa sidii loogu talagalay ee ah waqtigii horey loogu asteeyay”.

“Waxaan kaliya sugeynaa go’aamada xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA”.

“Waxaan khibrad ka helnay dalal kale, sida Shiinaha, oo iyagu horay u bilaabay howlahooda isboorti dhammaadka usbuuca, waxay qaadan doontaa xoogaa waqti ah.”

“Spain gudaheeda, talaabooyin waa weyn ayaa la qaaday, waana ku kalsoonahay in nasashada ay ka gaaban tahay tii Shiinaha,”

“Dhamaadka horyaalka ee bisha Agoosto ayaa ka mid ah xulashooyinka, qaar badan oo ka mid ah ayaa jira, waxaan ka shaqeyneynaa dhameystirka tartanka waxaana ku qanacsanahay in tartanka la dhameystiri doono”.

Madaxweynaha La Liga ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhammaystiro horyaalka si looga fogaado saamaynta dhameystir la’aanta, oo ay ku jiraan saamaynta Champions League iyo horyaalada kale.

Arlaadi Radio.