Miyuu Cristiano Ronaldo ogolaaday inuu ku biiro Naadiga Inter Miami xagaaga soo socda?

0
249

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda MLS-ka ciyaarta ee Inter Miami xagaaga soo aaddan.

35-sano jirkan ayaa diiwaan gashaday 21 gool oo uu horyaalka Serie A u dhaliyey kooxda uu hoggaamiyo  Macallin Maurizio Sarri xilli ciyaareedkan, wuxuuna qandaraaskiisa Old Lady uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkii 2021-22.

Kooxda haysata horyaalka Serie A ayaa la sheegayaa inay isha ku hayso inay qandaraaska u kordhiso weeraryahankan isla markaana ay ugu darto labo sano oo kale, laakiin sida laga soo xigtay Don Balon, Ronaldo ayaa doorbidi lahaa u dhaqaaqista horyaalka MLS-ka ee dalka Mareykanka.

Warbixinta ayaa sheegaysa in ninka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or uu heshiis la galay Madaxweynaha Naadiga Inter Miami ee David Beckham, waxaana la sheegay inuu u dhaqaaqi doono waqooyiga Ameerika haddii Juventus ay ku guuldareysato inay ku guuleysato Champions League sanadka soo socda.

Inter Miami waxay ahayd inay la ciyaarto Beckham kooxdiisii hore ee MLS-ka ee LA Galaxy kulankoodii ugu horreeyey ee gurigooda, laakiin horyaalka Mareykanka ayaa ah mid ka mid ah tartamo badan oo dib loo dhigay sababo la xiriira cudurka faafaya ee coronavirus.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 626 gool 838 kulan oo uu saftay xirfaddiisa ciyaareed oo dhan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here