Tammy Abraham oo iska diiday heshiis qandaraas kordhin ah oo uga yimid Kooxdiisa Chelsea

0
227

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ciyaaryahanka kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday dalab qandaraas kordhin ah oo uga yimid Kooxdiisa Blues.

22-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii 2018-19 amaah ku qaatay Championship-ka & Kooxda Aston Villa hor inta uusan ku soo laaban garoonka Stamford Bridge, halkaasoo uu isku muujiyay inuu yahay gooldhaliyaha koowaad ee Kooxda.

Abraham ayaa la dhibtoonayay dhaawac canqowga ah isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin waxa uu dhaliyay 15 gool 34 kulan uu u saftay kooxda Frank Lampard intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20.

Sida laga soo xigtay Majalada The Mirror, Chelsea ayaa dhowaan u soo bandhigtay xiddiga heerka caalami ee dalka England qandaraas cusub, laakiin heshiiska ayuu iskao diiday, iyadoo weeraryahanka uu doonayo inuu la la simo Callum Hudson-Odoi.

19-sano jirkaan ayaa loo maleynayaa inuu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah, oo uu isbuucii hore ku qaadanayo 180 kun oo gini, waxaana Abraham uu caddeeyay inuu doonayo mushahar la mid ah midkaas sida wararku ay sheegayaan oo ka mid noqdo xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Xiddigan ka soo baxay akadeemiga kooxaha Chelsea ayaa la arki doonaa heshiiskiisa haatan ee Blues oo dhacaya bisha June ee sanadka 2022-ka.

Si kastaba ha ahaatee, 22-sano jirkaan reer England ayey u badan tahay inuu qandaraaska u kordhiyo Chelsea, iyadoo la filayo in kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ay ogolaan doonto mushaar kordhinta uu dalbanayo.

Arlaadi Radio.