Chelsea oo guul weyn kaga gaartay garoonkeeda Stamford Bridge kooxda Everton… +SAWIRRO

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Chelsea ayaa guul weyn kaga gaartay garoonkeeda Stamford Bridge kooxda Everton, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 14-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Mason Mount, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis reer Spain ee Pedro.

Daqiiqadii 21-aad Chelsea ayaa dhalisay gool labaad, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana goolkan ka caawiyay Ross Barkley.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

51 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha, kaddib markii uu Willian ka dhigay 3-0, xilli Ross Barkley uu sameeyay gool caawintiisa labaad ee kulankan.

54 daqiiqo Blues ayaa la timid goolkeeda 4-aad ee ciyaarta kaddib markii uu Olivier Giroud dheesha ka dhigay 4-0, xiddiga reer Brazil ee Willian ayaana goolkan caawiyay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Everton oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge ee dhaca Galbeedka Magaalada London.

View image on Twitter

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here