Turkiga oo muhaajiriinta ka hor istaagaya inay dhanka badda ka galaan Giriigga

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Turkiga ayaana u oggolaan doonin muhaajiriinta inay maraan bada Aegean si ay ugu gudbaan Giriigga, sababo la xiriira inaysan ammaan ahayn, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Amarkan oo ka soo baxay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa imaanaya toddobaad kaddib markii uu sheegay inuu “albaabbada u furayo” qaxootiga si ay u galaan Yurub, iyadoo ay taagan tahay xiisadda Suuriya.

Midowga Yurub ayaa Erdogan ku eedeeyay inuu qaxootiga u isticmaalayo dano siyaasadeed. Waxay midowga Yurub ku adkeysanayaan in xudduudahoodu ay xiran yihiin.

Dhanka kale, isku dhacyo ayaa mar kale ka soo cusboonaaday xadka.

Waxaa muuqata inaysan waxba iska beddelin oggolaashaha uu Tukrigu u oggolaaday qaxootiga inay hdulka maraan si ay u galaan Giriigga.

Sanadkii 2016, waxaa la gaaray heshiis uu Turkigu ku oggolaanayo inuu joojiyo in muhaajiriinta uu u oggolaado inay galaan Yurub, taas beddelkeedana loogu deeqo qarash uu ku maamulo qaxootiga faraha badan ee dalkiisa ku sugan.

Balse tan iyo markaas, xiisadaha u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa cirka isku shareeyay iyagoo arrimo dhowr ah isku haya. Toddobaadyadii lasoo dhaafay isku dhac ayaa ciidamada Suuriya oo taageero ka haysta kuwa Ruushka iyo Turkiga oo kooxaha mucaaradka qaarkood taageera ku dhex maray Idlib, oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya.

Turkey wuxuu haatan martigeliyaa 3.7m Suuriyaan ah balse dagaalka Idlib ayaa horseeday inay malaayiin kale ku soo qaxaan xadkiisa koofureed.

Inkastoo Midowga Yurub uu ballan qaaday gargaar dheeraad ah, haddana Turkiga ayaa toddobaadkii hore go`aansaday inuu xadkiisa u furo muhaajiriinta si ay u galaan Giriigga.

Giriigga ayaa sheegay in Turkiga uu ku daneysanayo muhaajiirinta isagoo u adeegsanaya arrimo siyaasadeed.