RW Kheyre “Ganacsatada waa in loo fududeya ganacsigooda

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay munaasabadda abaal marinta sanadlaha ah ee ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in dowladdu ay ganacsatada kala shaqeyneyso horumarinta ganacsiga.

“Aragtida aan ganacsatada ka qabo waxa ay tahay inay dalka ay usoo shaqeeyeen, samata bixiyeenna xilli dalka ay dhibaata ka jirtay iyaga oo u dul qaatay dhibaatada jirtay. Dhaqanka ganacsatada Soomaaliyeed waxuu waligiis ku saleynaa aaminaad, waxuuna ka madax bannaanaa musuq maasuq, waana dhaqan aan dunida inteeda ka jriin oo dadka Soomaaliyeed ay ku amaananyihiin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaa lasoo gaaray xilli ganacsatada Soomaaliyeed ayan ka maarmin inay helaan dowlad xoog leh oo ay aamini karaan, shaqeyneysana. Waa lasoo dhaafay waqtigii ganacsatadu ay dowladda ka baqi jireen, waa lasoo dhaafay waqtigii dowladda fahamkeedu uu liitay oo aaney fahmeyn awoodda uu leeyahay ganacsigu. in ganacsatada loo fududeeyo ganacsiga, laga qaado qabadaha hor yaalla si ay canshuurta u bixiyaan, canshuurtaas la bixiyayna iyada oo aamin ah loogu adeego ummadda Soomaaliyeed waa sida kaliya ee dowladnimadeennu ku hir-geli karto”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu sheegay in deyn cafintu ay meesha ka saareyso caqabadihii ku gudbanaa ganacsatada iyo dadka doonaya inay maal gashadaaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowlad aan ganacsatadeeda wanaajin ayan ummaddeeda wax u qaban karin sidoo kalana ganacsato aan dowladdeeda la shaqeyna aysan gaareyn horumar ganacsi oo ballaaran, waxuuna ku baaqay in ganacsatada iyo dowladdu ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo qaabkii ummadda Soomaaliyeed looga faa’iideyn lahaa fursadaha ka dhalanaya deynta dalka laga cafinayo.