Halyeeyga Real Madrid ah oo shaaca ka qaaday aragtidiisa ku aadan suurtogalnimada ay Los Blancos ku soo laaban karto kulanka Man City

0
230

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Real Madrid ayaa kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League waxay guuldarro 1-2 ah kala kulantay Manchester City kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu, waxayna haatan isku diyaarinayaan kulanka adag lugta labaad ee ka dhici doono garoonka Etihad.

Halyeeyga reer Croatia iyo kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Davor Šuker ayaa shaaca ka qaaday aragtidii kaga aadan suurtogalnimada ay Los Blancos ugu soo bixi karto wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Champions League.

Iyadoo ay sidaas jirto halyeeyga reer Croatia ee Davor Šuker ayaa aaminsan in kooxda Real Madrid ay awood u leedahay inay ku hor sameyso soo laabasho Manchester City 17 bishan kulanka ka dhici doono garoonka Etihad.

Davor Šuker ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for davor šuker

“Arrimo badan ayaa saameeya kubadda cagta, bandhiga Real Madrid ay ku sameysay kulankii El Clásico ee kooxda Barcelona ayaa ka dhigeysa in ciyaartoyda ay yeeshaan kalsooni xoogan”.

“Kalsoonida Real Madrid wey soo laabatay, waxayna awoodaa inay ka adkaato Man City, waa inay ka faa’iideysataa guushii ay kaga gaartay Barcelona kulankii El Clásico, sida ugu fiican ee ugu macquulsan”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here