Xiddigga ugu xooggan khadka dhexe ee uu wajahay, laacibka uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro & Dhowr arrimood oo uu ka hadlay Lukaku

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday xiddiga uu u arko inuu yahay kan ugu awooda badan khadka dhexe uu la soo ciyaaray.

Romelu Lukaku ayaa xaqiijiyay in saaxiibkiis ay isku wadanka yihiin una ciyaara kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne uu yahay khadka dhexe ugu awoodda badan uu la soo ciyaaray.

Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Romelu Lukaku waxaana uu yiri:

“Kevin De Bruyne waa qadka dhexe ugu xoogan ee aan la ciyaaray, waa ciyaaryahan leh xirfado aad u badan, wuxuuna labo indhood ku leeyahay gadaashiisa”.

“Haddii uu sii joogteeyo qaab ciyaareedka uu haatan sameynayo, wuxuu noqon doonaa  ciyaaryahan weyn”.

Lukaku oo sii watay hadalkiisa ayaa tilmaamay inuu raacay oo uu ka helo Didier Drogba iyo Nicolas Anelka, isagoo carabka ku adkeeyey in ninka reer France ee Thierry Henry  uu yahay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro, waxaana uu u tixgeliyaa ninka ay isku waddanka yihiiin ee Jan Vertonghen inuu yahay daafaca ugu adag ee uu wajahay.

Arlaadi Radio