Warbixin ku saabsan maalinta duur joogta Adduunka oo maanta la xusay

0
455

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Soomaaliya waxay hoy u tahay tiro badan oo shimbiro kala nooc ah, kuwasi oo ku dhaqan Xeebaha, Buuraha  Sida lagu sheegay tiro koob caalami ah, Soomaaliya waxaa ku nool ilaa 727 nooc oo shimbiro ah iyo wax ka badan 177 nooc oo Xaywaan naasley ah. yaxaaska ayaa caan ku ah koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 2006dii waxaa tirokoob lagu ogaaday in Soomaaliya ugu yaxaas badan tahay qaarada Afrika.

Intaas waxaa dheer oo wadanka Soomaaliya laga helaa noocyo badan oo xayawaan iyo xoolo ah; kuwasi waxaa ka mid ah shimbiraha, duurjoogta, xamaaratada, duurgaleenka iyo bahalo kale oo badan.

Maanta oo kale 3 Marso ayaa Dunida laga xusaa Maalinta Duurjoogta Caalamka Warbaahinta caalamka ayaa qortay in duurjoogtii dalka Kenya ay usoo baxsatay gudaha dalka Soomaliya, waxaana ka mid ah duurjoogta soo gashay Soomaaliya  Maroodiga, Lo gisiga, Goronyada, Libaaxa, Haramcasta, Geriga iyo kuwa kale oo badan waxaana ugaartaas badankeed lagu arkay gobolka Jubada Hoose.

Hadaba Maalintaa Maxay Waxay uga Dhigantahay iyo Sida loo Xanaaneen karo waxaa kajabaabaya Mahamed Abuukar Cali oo ah Gudoomiyaha Uururka DEDO oo aan weydiiney waxa ururukooda arintaasi kaga aadan isagoo sheegaya in Xawaanadka waqtigaan aad loo dayacay arintaasina dhibaata deegaan ay keeni karto

Warbixintan Waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade