Muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha oo si khasab ah uga shaqeeya warshado shisheeye

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  qof oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ayaa ku shaqeeya duruufo adag, iyaga oo lagu khasbay in ay ka shaqeeyaan warshadaha alaabaha u sameeya shirkadaha ugu caansan caalamka.

Machadka daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyada ee dalka Australia ee magaciisa loo soo gaabiyo ASPI ayaa sheegay in arrintani ay tahay wejiga labaad ee “dib wax-u-barista” dadka Uighur-ka ee dalkaasi Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa in muddo ah ku dhawaad hal milyan oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Uighur ku haysay xeryo dadka lagu xiro, halkaasi oo lagu ciqaabo isla markaana lagu dhaqan doorinayo.

Saraakiisha dalkaasi Shiinaha ayaa sheegaya in xeryahani loogu talagalay in looga hortago afkaarta xag-jirnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here