Haweenay Ameerikaan ah oo loo xiray kiiska carruurteedii oo si layaab leh loo waayay

0
223

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hooyo Ameerikaan ah oo muddo bilooyin ah la la’aa laba canug oo yaryar oo ay dhashay ayaa waxaa lagu xiray gobolka Hawaii xilli gudaha waddankaasi ay ku sii baahayso howlgalka baadigoobka carruurtaasi.

Lori Daybell, oo ah 46-jir, ayaa waxa ay gobolka Hawaii ka tagtay bishii Nofeembar kaddib markii booliska gobolka Idaho ay su’aalo ka waydiiyeen carruurteeda, kuwaas oo ay askartu sheegayaan inay halis ku sugan yihiin.

Mrs Daybell ayaa waxaa la sheegay in lala xiriiriyay koox diimeed, sida ay ku warramayso warbaahinta Mareykanka.

Waxa ay wajahaysaa laba dacwadood oo ah inay carruurteedii isaga tagtay iyo in jasiiradda Kauai looga haysto damaanad lacageed oo gaaraysa $5m.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here