Kulan Wasiirka dhalinyarada KG su’aalo lagu weydiiyey oo lagu qabtay bartamaha Magaalada Xudur.

0
236

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dhalinyarada iyo Aqoonyahanada degmada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool ayaa waxay soo abaabuleen kulan ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan koonfur galbeed oo ugu horeeyey wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha koonfur galbeed ,maamulka degmada iyo kan gobalka oo su,aalo lagu weydiinaayey arimaha dhalinyarada koonfur galbeed gaar ahaan kuwa gobalka bakool.

Waxaana kulanka inta uu socday la iska xog wareystay arimaha dhalinyarada sidii loo hormarin lahaa dhalinyarada iyo ciyaaraha deegaanada koonfur galbeed.

Warkan waxaa noo heysa Maryan Macalin Abshir