Maalinta Caalamiga ee Cadaalada Bulshada oo maanta laga xusayo caalamka.

0
324

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Cadaalada Bulshada waa mabda tiir u ah wada noolaanshaha nabadeed iyo barwaaqo ee dalalka.waxey imaan kartaa nooc cadaaladan marka loo istaago sinaanta dadka,xuquuqda dadka asalka ah iyo qaxootiga.

Waxaa kaloo loo tiigsan karaa cadaalada bulshada marka meesha laga saaro caqabadaha dadka wajahaan sababo la xiriira jinsigooda, da,dooda, midabkooda, diintooda iyo dhaqankooda.

QM waxay ku faantaa inay tahay tiir u taagan cadaalada bulshada, iyadoo hay,adeeda shaqooyinka ILO u asteysay maalintan si loo dhiirageliyo cadaalada bulshada oo ah tiir ka maqan bulshooyin badan oo caalamka ku nool.

Waxaa loogu dan leeyahay maalintan in diirada lagu saaro xaqiijinta natiijooyinka shaqaaleysiin loo dhan yahay,ilaalinta bulsho, wada hadal bulsho ,dhowroda mabaadi,da iyo xuquuda goobaha shaqada.

Warbixintan waxaa noo heysa Maryan Macalin Abshir