Haweeney 17 milyan oo dollar ka dhacday dowladda Denmark

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  u dhalatay dalka Denmark ayaa la xukumay kadib markii lagu helay 17 milyan oo dollar ay ka dhacday dowladda dalkaasi.

Britta Nielsen oo horay uga shaqeyn jirtay guddiga adeegga bulshada ayaa waxay mas’uul ka ahayd bixinta lacagaha ay dowladda siiso dadka ugu nugul bulshada sida kuwa da’da ah, kuwa aan shaqeynin iyo waalidiinta heysta caruurta badan.

Haweeneydan ayaa waxaa lagu eedeeyay in lacagahaas ay jeebka ku shubatay. Maxkamada ku taalla magaalada Copenhagen ayaa haweeneydan ku xukuntay lix sano iyo bar xabsi ah.

Arrintan aya ah mid naadir ah oo aan horay loogu arag dalkaas, maadaam Denmark ay kaalinta koobaad kaga jirto dalalka musuq maasuqa uu ku yar yahay.

Markii loo soo jeediyay eedeynta, haweeneydan waxaa ay u baxsatay dalka Koonfur Afrika, balse dib ayay ugu soo laabatay Denmark, kadib markii booliska caalamiga ee Interpol uu soo saaray warqad lagu soo xirayo.

Haweeneydan ayaa mas’uul ka ahayd bixinta lacagahaas, waxaana dowladda ay sheegtay in Britta ay xatooyada waday 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Sanadkii 2017, waxaa Britta Nielsen la siiyay abaalmarin, kadib markii loo aqoonsaday inay si wanaagsan ugu adeegtay bulshada dalkeeda.

Qareenka u doodaya Britta Nielsen ayaa ku andacooday in aysan jirin nidaam kahor istaagi karay in lacagahaas ay qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here