Qiimaha lagu heli karo Weeraryahanka Kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang oo la oggaaday

0
318

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Arsenal ayaa qorsheynaysa inay 70 milyan oo gini ku weydiisato weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang ka hor suuqa kala iibsiga, sida ay wararku sheegayaan.

Aubameyang oo 30-sano jir ah, waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ugu muhiimsanaa Gunners tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund sanadkii 2018.

Xiddiga reer Gabon ayaa dhaliyay 57 gool 92 kulan oo uu u saftay Arsenal waxaana loo magacaabay kabtanka cusub ee kooxda bishii December kaddib markii laga qaaday Granit Xhaka.

Inkastoo uu saameyn ku yeeshay garoonka Emirates, Aubameyang waxaa si xooggan loola xiriirinayay ka tagista Arsenal xagaagan, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo sanadka 2021-ka.

Gunners ayaa ku dhibtoonaysa inay heshiis la gaarto weeraryahankan, kaasoo ku saabsan heshiis kordhin cusub, waxaana laga yaabaa inay isku dayaan inay lacag ku helaan dhammaadka xilli ciyaareedkan halkii ay halis ugu geli lahaayeen inay lacag la’aan ku waayan xagaaga soo socda.

Kooxda Inter Milan ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee muujisa xiisaha ay u qabto saxiixa Aubameyang, Jariiradda ‘Daily Express’ ayaana sheegeysa in Arsenal ay jawaab ka bixisay, iyagoo 70 milyan oo gini dul dhigtay madaxiisa.

Toddobaadkii hore, halyeyga Arsenal ee Paul Merson waxa uu ku boorriyay kooxdiisii ​​hore inay ceshadaan Aubameyang, xitaa haddii uu beeca xorta kaga tago xagaaga 2021-ka.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here