Ganacsatada Hilibka ku iibiya Banaanka Suuqa weyn Qudaarta Baydhabo oo Cabasho ka muujiyeen goobtooda shaqada oo laga raray.

0
720
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa Jira Dad siyaabo kala Duwan Shaqooyin uga Sameysta Suuqyada Baydhowa kuwaasi oo Nolol Maalmeedkooda ka soo saarta.

Ganacsatada Hilibka ku iibiya Banaanka Suuqa weyn ee Qudaarta ayaa Cabasho waxay ka muujiyeen Shaqadooda, Dadkan ayaa Sheegey in caqabad ku heysato Goobta ay wax ku iibiyaan, waxay sheegeen in laga soo Guuriyey Goob Mudo Sanadooyin ah Dadka Qaarkood wax ku iibinaayey, sidoo kale macaamiishooda ayey ku sheegeen in ay waayeen maadaama laga bedalay Goobti lagu Bartey.

Warkan waxaa noo heya Rahma Salaad Abdullahi