Nin mas halis ah isagoon ogeeyn madaxiisa ku watay intii uu safrayay 11 kiiloo mitir’

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Nin u dhashay waddanka Hindiya ayaa sheegay inuu si dirqi ah geeri uga badbaaday kaddib markii uu mooto uu ku safrayay muddo 11 kiiloo mitir ah, isagoo koofiyaddii madaxa ku watay uu ugu dhex jiray Mas aad u halis badan.

K A Ranjith, oo ah macallin ka howlgala gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa sheegay inuu koofiyaddiisa iska bixiyay kaddib markii uu dhammeystay safarkiisii maalinlaha ahaa, markaasoo uu arkay maska ay suntiisa haliska tahay oo ku laalaaban gudaha koofiyadda, oo ah kuwa amaan ahaanta loo xirto marka mootooyinka la kaxeynayo.

Laakiin nasiib wanaag, maska ayaa markaas ahaa mid aan nooleyn, waxaana la sheegay inuu ku bakhtiyay cadaadiska koofiyadda iyo madaxa macallinka oo isu qabtay.

Ninkan ayaa islamarkiiba loola cararay isbitaalka ugu dhawaa, halkaasoo ay dhakhaatiirta ugu sheegeen inuusan maska wax qaniinyo ah u geysanin, dab qabadsiiyay koofiyaddiisii, isagoo soo iibsaday mid cusub.