“Cristiano Ronaldo wuxuu ka mid yahay sababaha aan dib ugu soo laabtay Juventus” – Buffon

0
477

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Goolhaayaha kooxda kubadda cagta Juvntus ee Gianluigi Buffon ayaa xaqiijiyay in xiddigga Cristiano Ronaldo uu yahay mid ka mid ah sababihii uu u go’aansaday inuu markale dib ugu soo laabto naadiga marwada duqda ah.

Kooxda Juventus ayaa xalay barbaro 1-1 ah kula gashay dhigeeda AC Milan garoonka San Siro wareega afar dhamaadka ee Coppa Italia, labadan kooxood ayaana ku ciyaari doona kulan ku celis ah 4-ta bisha March ee soo socota garoonka Allianz ee magaalada Torino, Cristiano Ronaldo ayaana goolka bar-bardhaca ah u dhaliyay Bianconeri.

Haddaba Gianluigi Buffon ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Italian football” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:

“Sababta aan u sii wado inaan ciyaaro kubadda cagta ayaa waxay tahay waxaan aamminsanahay inaan qaban karo heerka ugu fiican”.

Hadalka Gianluigi Buffon ayaa wuxuu yimid kaddib markii uu ka qeyb galay kulankii ay kula ciyaareen kooxda AC Milan garoonka San Siro wareega afar dhamaadka ee Coppa Italia, xilli uu Cristiano Ronaldo ka bad baadiyay kooxdiisa Juve guuldarro.

Gianluigi Buffon ayaa wuxuu intaas ku sii daray amaanta Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri:

“Cristiano Ronaldo waa mid cajiib ah, waxaan qirayaa in sababaha aan ugu soo laabtay Juventus ay tahay inaan fursad u helo inaan la ciyaaro oo aan tababar la qaato Cristiano Ronaldo”.

Arlaadi Radio.