Shir Sanadeedka Garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

0
233

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka furmay shir Sannadeedka Garsoorka dalka, kaas oo sanadkii labaad muddo 30 sanno ah ka dib la qabanaayo,waxaana uu socon doonaa muddoo laba Cisho ah.

Shirka waxaa ka qayb galaya guud ahaan laamaha garsoorka ee heer federaal iyo Heer maamul goboleed,Wasiirada Cadaaladda Dowladda & Dowlad Goboleedyada,iyada oo looga hadlayo arrimo la xiriira Garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlaya caqabadaha heysta Garsoorka dalka,waxyaabihii ka hirgalay balan qaadkii Shirkii sanadkii hore la qabtay iyo sidii si huufan loogu Shaqeyn lahaa Shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa furay oo goobjooog ka ah qaar kamid ah Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo hadalo kala duwan ka jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here