Maamulka Degmada Xudur oo dalbaday in laga Taageero Raajatada Cisbitalka Guud ee Degmadaasi.

0
339

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tan ilaa iyo markii la doortay golaha deegaanka ee degmada xudur ee xaruunta gobalka bakool oo hada jirsadeen laba sano ayaa maamulka degmada iyo shacabka waxay wadaan sidii loogu shaqeyn lahaa xaruumaha bulshada loogu adeegayo, waxaana taasi keentay in la dhiso goobo badan weliba si isxilqaan ah.

gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Macalin Axmed ayaa Radio arlaadi uga warbixyey adeegyada ka jiraan degmadaasi, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in cisbitalka guud ee degmadaasi isbedlo lagu sameeyey, ayna wax ka dhiman yihiin.

Warkan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here